Ciidamo ka socda Dalka Chana oo qeyb ka ahaan doona Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee soomaliya soo gaaray Muqdisho.

Ciidamo dheeri ah oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda, kuwaas oo kamid noqon doona Ciidamada horay u joogay Soomaaliya.

Ciidamadana ayaa la xaqiijiyey tiro in ay gaareen ku dhawaad 50 Askari ayaa ah Booliska waddanka Ghana, waxaana ay u yimaadeen Soomaaliya si ay u taageeraan hawlgallada nabad ilaalinta ee socda ee ATMIS.

War kasoo baxay howgalka ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidamadan uu Saldhigooda noqon doono Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halkaasoo muddo sanad ah ay ku Shaqeyn doonaan, iyaga oo taageero siinaya Booliska Soomaaliya.

Saraakiil katirsan Ciidamada Booliska dalka Ghana ayaa sheegay in ka hor Ciidamadaan inta aan la keenin Soomaaliya la siiyay tababar la xiriira xaga la dhaqanka bulshada iyo sida ay uga howlgeli doonaan Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku sugan Kumanaan askari oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo isugu jira Millateri iyo Booliska, iyaga oo Ciidamada dowladda ka caawiya dagaalka ay kula jiraan Ciidamada dowladda Soomaaliya.