Ciidamo Ka Tirsan Booliska Soomaaliyeed Oo tababar loogu Sooxiray Dalka Jabuti

Sarreeye guuto Saciid Axmed Kediye, Taliyaha Hoggaanka Baarista dambiyada ee C.I.D oo wakiil ka ah Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa maanta tababar ugu soo xiray dalka Jabuuti Saraakiil iyo askar ka tirsan Booliska Soomaaliya, kuwaasi oo muddo seddex bilood ah dalkaas tababar ku qaatay.

General Kediye oo ku hadlayey Magaca Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa Dawladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti iyo Dawladda Talyaaniga uga mahad celiyey sida hagar la’aaneed ee tababarka ay u siiyeen Ciidaka maanta tababarka loo soo xiray.

Tababarka la siiyay  Saraakiisha iyo askarta ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa sida looga hortago rabshadaha xilliyada ay mudaaharaadyada ay socdaan.