Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab, gaar ahaan qeybta 43-aad, ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubada Hoose, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas.
Howlgalka oo la fuliyay kadib markii la helay xog la xiriirta dhaqdhaqaaqyo ay wadeen kooxda ‘AS’ ayaa la sheegay in lagu burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahaayeen deegaannadaas, iyadoo la gaarsiiyay khasaare xooggan sida wararku sheegayaan.
Goobaha si gaar ah loogu bartilmaameedsaday howlgalka waxaa ka mid ahaa: Muuse Xaaji, Araare, Koban, Bangeeni, Maleyleey, Baladu-Raxma iyo deegaanka Maam-Bile — dhammaantoodna waxay hoos yimaadaan degmada Jamaame.
Deegaannadaasi oo ku yaalla koonfurta gobolka Jubada Hoose ayaa muddooyinkii dambe laga dareemayay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ay si wadajir ah uga wadeen Ciidamada Xoogga Dalka, Danab, Daraawiishta Jubbaland iyo ciidamada deegaanka.
Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa tilmaamay in ujeedada ugu weyn ay tahay xasillinta deegaanka iyo ka hortagga abaabulka weerarrada kooxda ‘AS’ ee ku sugan