Wararka ay warbaahintu ka heleyso Isgoyska Baar ayaan ee ku yaalla Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay Iska horimaad u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo Milateri ah iyo kuwo ka tirsan Booliska Soomaaliya uu dhexmaray Iska horimaadka,waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.
Iska horimaadkan ayaa yimid kadib markii Ciidanka Milateriga ah ay isku dayeen inay maraan bar koontarool oo Ciidanka Booliska ah ku leeyihiin Isgoyska Baar ayaan ee Degmada Yaaqshiid,hayeeshee uu soo kala dhexgalay isfaham waa sidaasina uu ku bilowday dagaalka.
Khasaaro isugu dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhashay dagaalkaas,balse weli si rasmi ah loo shaacin inta uu la egyahay.
Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii Ciidamo ka tirsan Milateriga dowladda iyo kuwo Booliska uu dagaal ku dhexmaray Isgoysa Maana-Booliyo,kaasi oo lagu gubay gaari nooca dagalka uu ahaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan Golaha Shacabka,waxaana ka dhashay khasaaro soo kala gaaray labada dhinac iyo dad shacab ah.