Ciidamo Ka Wada Tirsan Dowladda Oo Ku Dagaalamay Muqdisho

Ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku dagaalamay degmada Hodon  gaar ahaan  Tarabuunka sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka degaanka.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka ee ku sugan Warshadda Caanaha.

Dadka degaanka waxa ay xaqiijiyeen in ay maqlaayeen rasaas xooggan oo labada dhinac ay iswaydaarsanayeen.

Isgoyska Tarabuunka ayaa xiran, waxaana halkaasi difaac kaga jira ciidamo ka tirsan kuwa xasilinta.

Ilaa iyo hadda lama ogga sababta rasmiga ah ee dagaalkaasi ka dambeysay, mana jirto cid xaqiijinkarta Khasaaraha ka dhashay.