Ciidamo cusub ayaa maanta tababar heer sare ah loogu soo xiray magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku qaateen dugsiga tababarrada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.
Ciidamadan ayaa waxaa tababarka usoo xiray sii-hayaha wasiirka amniga gudaha ahna wasiiru-dowlaha wasaaradda amniga Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.
Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona booliska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha argagixisada ay bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan.
Sidoo kale, Wasiir Xagaa ayaa dhankiisa uga mahad-celiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen dhismaha ciidanka dhalinyarada ah ee ku soo biiray ciidanka booliska.
Maalmo kahor ayay aheyd markii dugsiga tababarrada ciidamada Gorgor ee TurkiSom loogu soo gaba-gabeeyay tababar urur cusub oo kamid noqonaya ciidanka Gorgor.