Ciidamo kasocda Dowlada somaaliya oo xiray Wasiir Ku Xigeenka Wasaradda Arrimaha Dibadda

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa Maanta tegay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ee Magalada Muqdisho kuwaas oo ka soo watey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud.

Ciidamada ayaa Warar aan helnay waxa ay sheegayaan in ay Xarunta ku tageen Warqad Waaran ama maxkamadeed,iyada oo ka hor inta aysan gelin Xarunta Wasaaradda uu khilaaf soo kala dhex galay ilaalada Wasiir ku xigeenka Wasaaradda oo xiligaas Wasaaradda ku sugnaa.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa haatan waxaa la geeyey xarunta Hay’adda Dambi-baarista ee CID-da ee Magalada Muqdisho,iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in lagu eedeeyey musuq maasuq.

Dhawaan ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya waxa ay xasbiga dhigeyn Agaasime ka tirsan Wasaaradda Gargaarka iyo mareynta Musiibooyinka,iyada oo xarigiisa la sheegay in uu ahaa mid aan loo marin wadadii saxda aheyd,isla markaana saraakiishii ka dambeysay xarigiisa xabsiga la dhigay.