Ciidamo Katirsan Boliiska Somaaliyeed Oo tababar Loo Soo Xiray

 

Taliyaha Ciidanka Booliska General Bashiir Maxamed Cabdi “Ameerica” ayaa tababar u soo xiray in kabadan 300 oo Askari kuwaas oo ka mid noqonaya Ciidanka Booliska.

Ciidanka ayaa lixdii bilood ee lasoo dhaafay Tababar uga socday Magaalada Garbaaharey ee Gobolka Gado.

Amaanka Magaalada ayey kala wareegi doonaan Ciidanka Milatariga kuwaas mudooyinkii dambe kasoo shaqeynayey gudaha Magaalada.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa shalay galinkii dambe gaarey Garbaahaarey isaga iyo wafdiga uu hogaaminayo.

Ciidanka ayaa loo dhameystiray Agabkooda Ciidan iyagoo sidoo kale heli doona xaquuqda ay helaan Ciidanka Booliska Dalka.

Saraakiisha Malatriga oo ku sugan Garbahaarey ayaa sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin in Amaanka Degmada kala wareegaan Ciidanka Booliska kuwaas oo loo tababar  sidda ugu wanaagsan.