Ciidamo katirsan Dowlada Oo gaaray Basra

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ciidamo ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa gaaray degaanka Basra ee ku yaalla duleedka degmada Balcad.

Ciidamadan ayaa shalay gelinkii dambe waxa ay ka baxeen xerada General Gordan oo ku taalla magaalada Muqdisho, waxayna ku biireen ciidanka dowladda ee hawlgalka ka wada halkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa warbaahinta  u sheegeen in ciidamadan tiradooda ay kor u dhaafeyso Saddex boqol oo askari, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka 14-ka October.

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in ujeedkooda uu yahay sidii Ururka Al Shabaab looga saari lahaa degaanada duleedka ka ah degmada Balcad, maadaama halkaasi ay dhawr mar ka dhaceen weeraro qorsheysan oo ay geysteen Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay inaga soo gaaraya degaanka Basra ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada oo garab ka helaya kuwa AMISOM ay bilaabeen hawlgalka lagula dagaalamayo Ururka Al Shabaab.

Maalin kahor degaanka Basra waxaa ka dhacay hawlgal ay fuliyeen ciidamo is-garabsanayay, waxaana lagu beegsaday xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab.