Ciidamo Katirsan Dowlada Oo Goordhow Al-Shabaab Kala Wareegay Deegaano Cusub

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee (DANAB) ay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab ka bilaabeen tuulooyin hoostaga degmadaas.

Ciidamada DANAB  ayaa waxa wararka qaar ay sheegayaan in ay wehlinayeen Ciidamo Mareykanka ah,waxaana ay weerareen tuulooyin Galbeed ka xiga degmada Balcad oo ay maamulayeen Al-Shabaab,waxana Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degamda ay sheegeen in tuulooyin dhowr ah ay la wareegeen.

Tuulooyinka ay la wareegeen Ciidamada ayaa waxaa ka mid ah Buulo kuunto,Daniga Baalow ,Basro,Garasweyne iyo kala wareega oo Alshabaab ay Maamulayeen

Deegaanadaas ayaa Maamulka degmada iyo Saraakiisha ciidamada waxa y sheegen in Bilihii ugu dambeeyay ay Al-Shabaab ka soo weerari jireen degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.