Ciidamo katirsan Dowlada Oo lawareegay Deegaano Cusub

  1. Sida ay sheegayaan Wararka naga soo gaaraya degaanka Fiidow oo ku yaalla Xadka gobolada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan  Ciidamo ka tirsan AMISOM oo isugu jira Burundi iyo Jabuutiyaan oo ay wehliyaan ciidan ka tirsan Xoogga dalka ayaa degaankaasi kala wareegay Al-Shabaab.

Degaanka Fiidow ayaa  50KM u jira Magaalada Jowhar ee Caasimadda maamulka Hirshabeelle, waxaana la sheegay in ciidankaan ay kasoo ruqaansadeen dhanka gobolka Hiiraan.

Ciidanka xoogga ayaa sidoo kale la wareegay degaanada kala ah  Dhiin Garas, Fiidow, Maquudaale, Killiga Shiinaha iyo tuulooyin kale.

Howlgalkan ayaa qorshihiisa yahay sidii la isugu furi lahaa wadada isku xirta Jowhar iyo Buulo Burde.

Maamulka Hirshabeelle ayaa dhawaan ku dhawaaqay in la furi doono Wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ku yaalla gobolka Hiiraan.