Ciidamo Katirsan Dowlada Oo lawareegay deegaano lagu dagaalamay

Ciidamo is kugu jira Milatariga qaybta 21-aad iyo Nabad sugida ayaa si buuxda u  lawareegey Amaanka guud ee degaanka Xananbuure iyo degaanada hoos yimaada  ee gobolka Galgaduud.

Ciidanka dowlada ayaa sidoo kale kusii jeedda degaanka Qalanqaale oo ay ku sugan yihiin sidoo kale Maleeshiyo beeleed shalay degankaasi ku dagaallamay.

Ciidankaan ayaa xalay ka baxay Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ka dib markii Madaxweynaha Galmudug uu amray in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka.

Ku dhawaad 10 ruux in kabadan ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal beeleedka tiro intaasi ka badan ay ku dhaawacmeen.

Dhawaacyo badan la geeyay Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb sidda ay xaqiijiyeen maamulada Isbitaallada.