Ciidamo katirsan Dowlada oo weriye kuxiray Degmada Walanweyne

Saakay aroortii ayaa la sheegay in Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Walaweyn lagala baxay hoygiisa oo ku yaalla degmada Walaweyn.

Wariye Ismaaciil Yuusuf(fantastic) oo ah Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Radio Walaweyn ayaa saakay waxaa tegay hooygiisa Ciidamo loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin kuwa dowladda,iyaga oo  watay.

Agaasimaha Radio Walaweyn Ismaaciil Mire ayaa Radio galgaduud u sheegay in sirasmi ah aysan u xaqiijin karin halka ay ka yimaadeen ciidamada gurigiisa kala baxay Wariyaha balse ay xiriir la sameeyeen saraakiisha ku sugan Xerada Balli-doogle ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ehelada Wariyaha qaarkood oo aan la hadalnay ayaa iyana waxa ay sheegeen in ay ka walwalsan yihiin halka lala aaday wiilkooda iyo ciidamada gurigiisa ka watay.