Ciidamo Katirsan Puntland Oo Burburiyay Boosas Ku Dhowaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe+Sawirro

Maamulka Magaalada Garoowe ayaa Maanta sameeyey howlgal ay ku burburiyeen Boosas laga cabirtay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Magalada Garoowe oo ay degaanayeen dad Shacab ah.

Duqa degmada Garoowe Xasan Goodir iyo taliyaha ciidanka Booliska gobolka Nugaal ayaa goobjoog ka ahaahowlgalka lagu burburiyey boosaskaas,waxa ayna digniin u direen Shaqsiyaad ay sheegeen in caado ka dhigteyn goobaha ay ka mamnuucan in la dego.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Maxamed Abshir Muuse(Galangooli) ayaa sheegay in ay jiraan dad wada dhulboob,isla marakana ay uga digayaan,isaga oo sheegay in ay tallaabo ka qaadi doonaan.

Masuuliyiinta ayaa digniin xoogan ujeediyay shakhsiyaad caadaystay inay kusoo xad gudbaan goobaha ay dowladdu

Tallaabadaan burburinta ayaa ku aadeysa xili Maamulka gobolka Nugaal ay horey u mamnuuceyn  in loosoo dhawaado dhulka garoonka diyaaradaha Garowe, iyadoo marar hore ay ciidanku burburiyeen dhismayaal sharci darro oo laga ag dhistay hareeraha garoonka diyaaradaha.

DAAWO SAWIRADA

 Â