Ciidamo Katirsan Puntland oo dib ula wareegtay Af-Urur

Taliye ku-xigeenka ciidanka Daraawiishta maamulka Puntland General Cabdi Axmed Xaashi ayaa sheegay in ciidanka Daraawiishta Puntland saakay waaberigii ay dib ula wareegeen Tuulada Af-Urur.

Ururka Al Shabaab ayaa muddo 20 cisho ah waxa ay ku sugnaayeen Af-Urur oo ay maamulayeen dadka halkaasi ku dhaqan, balse xalay saq dhexe ayaa la sheegay inay isaga baxeen tuulada.

General Cabdi Axmed Xaashi ayaa wuxuu sheegay intii ay hawlgalka ku jireen in aysan la kulmin wax iska caabin ah, islamarkaana ciidamada ay hada ku sugan yihiin Af-Urur.

Saakay waaberigii ayaanu ku guureynay Af-Urur oo horey qaab Millatari aan uga soo baxnay, cadowna ay yimaadeen, way carareen cadowgii markii ay ogaadeen inaan ku soo food leenahay, wax iska caabin ah oo naga hor yimid ma aanay jirin, lug ayaanu ku galnay magaalada”. General Cabdi Axmed oo la hadlay VOA-da.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Tuulada Af-Urur ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo dheeraad ah ay gaareen halkaasi, sidoo kalena ay wadaan hawlgal miino baaris, maadaama loo maleynayo Shabaabka ka baxay inay miinooyin ku aaseen.