Ciidamo katirsan Somaliland oo la wareegay Xafiis uu lahaa Wariye Coldoon

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la wareegay Xafiis uu lahaa Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ku sugnaa Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Wariyaha ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay hanjabaado kala duwan ay kaga imaanaayeen Ciidamada Booliska Somaliland, Maadaama dhawaan uu ka laabtay Magaalada Muqdisho.

Sidda uu warbaahinta  u xaqiijiyay Wariye Coldoon Ciidamada Booliska ayaa qaatay dhammaan qalabkii uu ku shaqeysan jiray.

Wariye Coldoon ayaa ah nin Baraha bulshadda  Caan ka ah, waxaana uu ka shaqeeya caawinta dadka dhibaateysan.

Waxaa uu Sanadyadii lasoo dhaafay uu la kulmaayay dhibaatooyin kaga imaanayay Hay’addaha dambi baarista Somaliland, Maadaama uu dhowr jeer yimid Magaalada Muqdisho.