Ciidamo Katirsan Soomaaliland Oo Rasaaseeyey Haween Ka Ganacsada Qaadka

Taliska Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dhawaan uu bilaabanayo dagaal xoogaga ururka Al-shabaab looga saarayo qeybaha ay ka joogaan Jubbooyinka.

General C/Wali Jaamac Xuseen Gorod, Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka ee jooga Jubbooyinka la qalabeyn doono, si Shabaab ay u bilaabaan dagaalka Shabaab lagula dagaalamayo.

Wuxuu sheegay hawlgalkan inuusan aheyn mid kala soocaya Ciidanka xoogga iyo kuwa Jubbaland, isaga oo oo tilmaamay in isku si loo qalabeyn doono.

“Maadaama duruufta ay adag tahay oo agabyo kala duwan ay dhiman yihiin, waxaan yeeleynaa, inaan ku dadaalno inaan qalabeyno ciidanka oo aan la yeeleyn kanaa federaal ah, kanaa maamul ah, wax kala soocan ma jiraan, waxaan bilaabi doonaa dhawaan dagaal ka dhan ah Shabaab.” Ayuu yiri Taliye Gorod.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Cabdiweli Jaamac Gorod iyo Saraakiil ka tirsan taliska ayaa shalay gaaray Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ee dowlad goboleedka Jubbaland, waxayna kormeereen deegaano Shabaab laga saaray.