Ciidamo Katirsanaa Somaliland Oo Kubiiray Puntland

Ciidamada Booliska Somaliland ee degmada Taleex ayaa ka soo wareegay maamulka Somaliland, waxayna u wareegeen dhanka maamulka Puntland, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Puntland.

Ciidamadan ayaa waxaa soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ay ugu horeeyaan Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame iyo Gudoomiyaha degmada Taleex Maxamuud Jaamac Shaacir.

“Wasiir waxaa weeye Booliska degmada Taleex ee saldhiga joogay ee ka soo wareegay Somaliland, waxay u soo wareegeen kadib markii ay qiimeeyeen xaalada sida ay tahay, xilkii ay u hayeen Somaliland way dhigeen, wixii hada ka dambeeyana waxa ay u soo wareegeen Puntland.” Ayuu yiri Sarkaalka hoggaaminayay ciidamadan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Faarax Maxamed Warsame oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay isaga oo ku hadlaya magaca Puntland in ciidamadan uu ku soo dhaweynayo gacmo furan.

“Waxaan idinku soo dhaweyneynaa gacmo furan, waana ku faraxsanahay inaad ka soo wareegtaan nimanka Soomaali diidka ah, ku soo dhawaada midnimada Puntland, waxaan ku balanay inaad difaacdaan dalkiina iyo dadkiina, maanta wixii laga bilaabo waxaan idin balan qaadayaa inaad heshaan wixii xuquuq ah oo aad leedihiin.” Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Puntland.