Ciidamo Kawada tirsan Dowlada Oo is risaaseyn Ku dhexmartay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay maanta ku dagaallameen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa warbaahinta  u xaqiijiyay in falkaan uu ka dhacay Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada ay isku qabsadeen lacag laga qaadayay guri laga dhisaayay Xaafadda Xalane.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay kala ahaayeen Milatari iyo sidoo kale ciidamada xasilinta.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhintay, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qof shacab ah oo goobta maraayay.