Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in Israsaaseyn Khasaare geysatay maanta ka dhacday Suuqa degmada Kaaraan.
Israsaaseynta ayaa timid ka dib markii Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay ku murmeen gudaha Suuqa, waxaana ka dhashay Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa halkaasi ku dagaallamay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in Ciidanka ay kala tirsan yihiin Booliska iyo waliba Milatariga Soomaaliya.
Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa gaaray goobta uu falku ka dhacay, waxaana ay halkaasi ka waddaan dejinta Xaaladda.