Ciidamo Kenyan ah iyo Al Shabaab oo ku dagaalamay Kulbiyow

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidanka dowladda Kenya oo garab ka helaya kuwa Jubbaland iyo Ururka Al Shabaab, kaasi oo ka dhacay degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada Hoose.

Waxaa la sheegay dagaalkan inuu ka dambeeyay kadib markii dagaalyahanada Ururka Al Shabaab ay weerar abaabulan ku qaadeen saldhiga ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow.

Ilo areedyo ayaa waxa ay sheegeen inay maqlayeen jugta rasaas culus oo labada dhinac isweydaarsanayeen, islamarkaana si wayn looga maqlayay degaanka Kulbiyow iyo degaanada ku dhaw.

Dadka degaanka ayaa waxa ay Idaacadda Risaala u sheegeen ciidanka Kenya inay rideen madaafiic ay kaga jawaabayeen weerarka kaga yimid dhanka Ururka Al Shabaab, iyada oo ilaa hadda aanan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen inay jiraan khasaare ay gaarsiiyeen Al Shabaab, islamarkaana hada ay socdaan baaritaano, dibna ka soo sheegi doonaan faah faahinta la xiriirta dagaalka.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen inay gudaha u galeen degaanka Kulbiyow, sidoo kalena ay dagaalkaasi ku dileen Hal askari oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland mid kalena ay ku dhaawaceen.