Ciidamo Kusugnaa Xarunta Golaha Shacabka Oo fariisimohoodii dib loogu Soo Celiyay

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka  ciidankii hore u joogay Dhismaha Baarlamaanka ee Muqdisho ayaa dib loogu celiyay mas’uuliyadda amniga baarlamaanka maanta.

Tiradda Ciidamada Booliska ah ee dib loogu soo celiyay xarunta ayaa dhan  114 askari oo boolis ah. Waxaa amniga dhismaha baarlamaanka  dhawaan kala wareegay ciidamo kale oo uu gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyay in ay soo dirtay xukuumada.

Mas’uuliyiin ka dhow guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay in cidankaasi shalay gelinkii dambe lagu soo celiyey dhismahama baarlamaanka ayna haatan iyagu hayaan mas’uuliyadda amniga gudaha ee dhismaha.

Waxaa sidoo kale dhammaan laga saaray ciidamadii horay loo keenay xarunta Golaha Shacabka.