Ciidamo la kala dhex-dhigay Maleeshiyo Beeleedyo ku dagaalamay Deegaano Katirsan gobolka Shabeelada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe ahna duqa Magaalada Jowhar Axmed Meyre Makaraan oo Maalmahan waday dadaalo xal loogu raadinayo Beelo ku dagaalamay deegaano u dhaxeeya Degmooyinka Cadalle iyo Ragacelle ayaa Ciidamo Booliis ah oo isugu jira Heer federaal iyo kuwa Hirshabelle kala dhexdhigay beelahaasi.

Ciidamadaasi ayaa loogu talo galay inay  ka Shaqeeyaan  nabad kuwada noolaasha Bulshada walaalaha ah ee dagaalkooda uu yahay mid soo laab laabtay si ay si nabadgelyo ah ugu wada nooladaan.

Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe oo ay wehliyaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Raagaceelle iyo Cadalle ayaa ugu baaqay Bulshada labada dhinac in ay la shaqeeyaan Ciidamada la keenay oo u taagan Nabada deegaanadaasi.

Dhinacyada ku dagaalamay inta u dhaxeeysa degmooyinka Cadalle iyo Raagga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa isku heystay dhul daaqsimeed degaannadaas kuyaalla, iyada oo dagaalkii dhexmaray ay dad badan ku dhinteen kuwo kalena ku dhaawacmeen.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa soo laab laabtay colaad Beeleedyada ka dhaca degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo Maamulka Hir-Shabeelle uu ku guuldareystay xal ka gaarista colaadaas soo laab laabatay.