Ciidamo La Wareegay Xarumihii Maamulka Magalada Jigjiga Iyo Xiisad Ka Taagan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Jigjiga ee xarunta Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaasi ay ka jiraan xiisado Siyaasadeed iyo dhaq dhaqaaq Ciidan kaas oo siweyn Maanta looga dareemayo.

Xiisadaas ayaa Wararka aan heleyno waxa ay sheegayaan in ay sababtay ka dib markii ay soo baxay in Baarlamaan goboleedka Soomaalida  lagu doonayo in isbedel lagu sameeyo qodob ka mid ah dastuurka.

Ciidamo ayaa sidoo kale waxa ay la wareegeen Xarumaha Baarlamaanka iyo Telefishinka ESTV,waxana la arkayey ciidamo wata Gaadiidka Gaashaaman oo hareereeyey Xarumahaas iyo Xarumo kale.

Arrintaan ayaa ka dambeysa xiriir xumo waqtigaan ka dhaxeysa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo dowladda Federaalka,sida ay sheegayaan Odayaasha Dhaqanka Magalada Jigjiga.

Dhinaca kale Ciidamada ismaamulka soomaalida Itoobiya ee liyuu Boolis ayaa ku sugan qeybo ka mid ah Magalada Jigjiga,taas oo dhalisay in laga cabsi qabo in ay isku-dhacaan Ciidamada Liyuu boolis iyo kuwa Federaalka.

Madaxweynaha Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa looga yeeray Magalada Adis Ababa,iyada oo warar soo baxaya ay sheegayaan in uu ka biyo diiday u yeeritaankaas.

Sikastaba xiisadaan soo cusboonaatay weli kama hadlin Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo tan iyo markii uu xilka la wareegay waday isbedelo siyaasadeed oo inta badan noqday kuwo miro-dhalay.