Ciidamo loo diyaariyay Xasilinta Amniga Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay qorsheyneyso sugida amniga guud ee muqdisho in loo diyaariyo saddex kun oo ciidan oo ka tirsan booliiska Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankan gaaraya saddexda kun in ay ka howl gali doonaan dhamaan degmooyinka gobolka banaadir.

Maxamed C/llaahi Maxamed Tuulax guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada ee gobolka banaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay in wax laga badalo hanaanka amniga muqdisho loo sugayo.

Waxa uu tilmaamay in aysan waxba sooo kordhineyn ciidamo badan balse loo baahan yahay in qorshe cad oo amniga muqdisho ku saabsan la keeno.

Wasiirka Wasaaradda Amniga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow ducaale ayaa sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya xukuumadda Soomaaliya ay la xisabtami doonto hay’adaha Amniga.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Amniga ay la imaan doonto qorsho cad oo lagu sugi doobo Amniga Caasimadda,isla markaana ay ka wada hadli doonaan guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Amniga muqdisho ayaa mudooyinkii dambe isbadalay waxaana ka dhacay falal amniga ka baxsan iyadoo muqdisho maalin cad ay ka bilaabatay in guryaha loogu galo dadka shacabka ah sidoo kalena ay soo kordheyn kooxo hubeysan oo dhac u geysanaya shacabka degmooyinka.

Dhalinyarada ku nool degmooyinka qaar ayaa bilaabay iney dagaal la galaan kooxaha hubeysan ee xilliyada qaar dhaca ka geysanaya xaafadaha ay dagan yihiin.