Ciidamo Millateri Ah Oo La Wareegay Askari Dilka ka Geystay Beledweyne

Xaalad deganaansho ah ayaa saakay laga dareemayaa Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo shalay Gelinkii dambe ay ku dagaalameen Maleeshiyaad hubeysan iyo Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa salka ku hayey xiisad ka dhalatay dil Askari ka tirsan Ciidamada booliska uu u geystay mid ka mid ah Darawalada Mooto Bajaajta,isla markaana maleeshiyaad ku heyb ah ay weerareen saldhiga Booliska.

Dagaalkii shalay ayaa sababay dhimashada Saddex ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen,waxaana la sheegay in ciidamo Millateri ah iyo Odayaasha degmada Baladweyne ay kala dhexgaleen dadka wada dagaalamayey.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in saakay xaaladu ay tahay mid degan,isla markaana askarigii dilka geystay ee ka tirsan Ciidamada Booliska Baladweyne lagu wareejiyey Ciidamo xasilinta ee ka howlgalla Magalada Baladweyne.

Dhinaca kale Odayaasha Dhaqanka oo kaashana Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxa ay wadaan waan waan ay xal ugu raadinayaan xiisada ka dhalatay dilka loo geystay Darawalka Mooto Bajaajta.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay aan ka heleyno Baladweyne ayaa waxa ay sheegayaan ay xiran yihiin Goobaha Ganacsiga ee ku dhow dhow saldhiga Booliska Baladweyne oo ah halkii uu dagaalka ka dhacay.