Ciidamo shaki laga abuuray oo muqdisho lagu diyaariyay.

Taliyaha booliska Soomaaliyeed, Jeneraal Sulub Axmed Firin ayaa xalay kormeer ku tegay xerada ciidamada gaarka ah ee Haramac ee loogu magac-daray Jeneraal Farxaan Qaroole, halkaas oo lagu soo bandhigay tiro kamid ah ciidamada ammaanka.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay ka qayb qaateen sugidda amniga magaalada Muqdisho, ayna ka hortageen falal liddi ku ah amniga oo ay soo maleegeen Al-Shabaab.

Sulub oo khudbad u jeediyay ciidamada ayaa uga mahad-celiyay sida feejignaanta leh, iyo turida leh oo ay u guteen waajibaadkii ka saaranaa sugidda amniga muwaadiniinta sSomaaliyeed, ayna tusaale u noqdeen ciidamada kale ee ay kala dhaxeyso shaqada ilaalinta nabad-galyada  dalka.

Dhinaca kale waxaa dhaq-dhaqaaqan iyo ciidamada lasoo bandhigay ka dhashay shaki xoogan oo ku aadan in loo diyaarinayo inay weerar ku yihiin xaafadda dab-damiska oo ay isku hayaan dowladda iyo shacabka deggan halkaas oo lagu amray inay ka guuraan.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasaddda gobolka Banaadir Cali Yare Cali oo qoraal soo saaray ayaa sheegay in ciidamadan la’isugu dabariday, si ay uga qayb qaaataan weerar uu sheegay in dowladda qorsheynayso, si shacabka looga raro halkaasi.

Sidoo kale wuxuu kusii daray “Afar jiho oo ay qorsheeneeyso dowladdu in ay weerarkeeda kasoo qaado ayay ku diyaarineeysaa ciidamo kala ah, milatariga, NISA, Booliska iyo tiro yar oo ka hartay ciidankii burburay ee Haramcad.”