Ciidamo Uu hugaaminayo Korneyl Caarre oo Weerar Ku Qaaday Cidamo katirsan somaliland

 

Inta la xaqiijiyay hal askari oo ciidanka Somaliland ah ayaa ku dhaawacmay dagaal saaka ku dhex maray degaanka lagu Magacaabo Karin ee gobolka Sanaag  jabhadda Korneyl Caarre ee Puntland taageersan iyo ciidamada Somaliland.

jabhadda Korneyl Caarre ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadeen degaanka Karin oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland.

Dhaawaca Askariga ayaa la geeyay Cusbitaalka guud ee magaalada Ceerigaabo  waxaana uu ka tirsan yahay Guutada 99 ee ciidanka Somaliland sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii jabhadda korneyl Caarre ay shalay ka guureen goobtii hore ee ay deganaayeen una guureen degaankan cusub oo uu ku yaallo jidka muhiimka ah ee Tabca.

Somaliland ayaa maalmihii la soo dhaafay keentay degaankaas ciidamo fara badan.