Ciidan ka tirsan booliska AMISOM oo ka baxaya Soomaaliya

Saraakiil ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa dhawaan ka baxaya Soomaaliya, sida lagu sheegay war ka soo baxay taliska ciidanka AMISOM.

Christine Alalo oo ah ku simaha taliyaha booliska ee AMISOM oo dalka ka baxaya dhammaadka sanadkan ayaa dhammeystay howshii ay u yimaadeen Soomaaliya oo ahayd dhismaha iyo tababarka booliska Soomaaliya.

Ku simaha taliyaha booliska ee AMISOM ayaa waxa ay saraakiishan uga mahadcelisay dadaalka ay muujiyeen muddadii ay shaqadan hayeen oo aan wax tabasho ka imaan.

AMISOM ayaa sheegtay saraakiishan dalka ka baxaya inay ciidanka booliska ka caawiyeen shaqooyinka maalinlaha ah, tababarka, la talinta iyo kala qeyb galka hawlgallada.

Xubnahan ka baxaya Soomaaliya oo tiro ahaan gaaraya 30 sarkaal ayaa waxa ay u kala dhasheen dalalka Uganda, Kenya, Sierra Leone iyo Zambia.

AMISOM ayaa dhawaan sheegtay inay kordhineyso tababarada ciidanka Soomaaliya, si ay ugu diyaar garoobaan la wareegidda ammaanka dalka marka ay dalka ka baxaan.