Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka socdaan Howlgallo amniga lagu xaqiijinayo.
Howlgaladaan ayaa yimid ka dib markii maanta Ciidanka Ammaanka Boosaaso ay toogteen labo ruux oo hubeysan, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen Qarax ay wateen.
Howlgaladan oo ay sameynayaan Ciidanka Amaanka ee Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka socdaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Boosaaso.
Ciidanka ayaa guri guri u baaraya, waxaana shacabka ay weydiinayaan aqoonsi iyo cida taqaana, sida uu soo sheegayo wariye ku sugan Magaalada Boosaaso.
Weli howlgaladan lama sheegin cid si rasmi ah loogu soo qabtey, hase ahaatee Ciidamada ayaa galaya inta badan guryaha ku yaalla Boosaaso.