Ciidanka Amniga Muqdisho oo Gacanta ku dhigay hub.

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ayaa maanta jawaab ka bixiyay weerarkii loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee xalay lagu garaacay xaafado ka tirsan magaalada gudaha Muqdisho.

Hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.

Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaxeen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, waxaana la soo weriyey khasaare aan badneyn.

Afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble oo maanta shr jaraa’id ku qabtay degmada Dayniile ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub kale oo tiro badan oo lagu soo qabtay howlgallo.

Hubkan ayaa oo la tusay Wariyeyaasha iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo qabtay howlgallo culus oo ay ciidamadu ka sameeyeen guryo ku yaalla caasimada.

Muddooyinkii u dambeeyay ammaanka magaalada Muqdisho ayaa soo hagaagay, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.