Ciidanka ATMIS ee Ka Baxay Soomaaliya oo La Shaaciyay.

Taliska guud ee howlgalka ATMIS oo soo saaray warbixin cusub ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay ka saareen illaa 5,000 oo askari, kuwaas oo dib ugu laabtay dalalkooda, kadib markii ay dhammeysteen muddo xileedkooda.

ATMIS ayaa sheegtay in ciidamadaas dalka laga saaray intii lagu guda jiray wajigii koowaad iyo labaad ee ciidamada Midowga Afrika ee howlgallada u jooga gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay in ay wareejisay 13 xero oo ay hadda maamulaan ciidamada dowladda Soomaaliya, taas oo qayb ka ah qorshaha kala guurka.

Waxaa kale la diyaarin doonaan  qorshaha wejiga xiga ee dhimista 4000 oo askari oo dheeri ah illaa iyo bisha June, sida lagu sheegay warbixinta.

Danjire Souef oo ah oo ah ergayga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna madaxa ATMIS, ayaa sheegay inay rajeyneynayaan in wejiga saddexaad ee dhimista ciidamadooda uu  si guul ah ku soo dhammaan doono, si loo dhameystiro qorshaha bixitaankooda.

Dowladda federaalka ayaa mar hore u diyaar garowday inay hanato amniga dalka, maadaama la dhisay ciidamada Xoogga dalka oo hadda la dagaalama Al-Shabaab.