Ciidanka Atmis Oo Caawa madaafiic dhimasho iyo dhaawac sababay ku garaacay deegaanka Mudul-baraawe

Ciidanka Atmis, gaar ahaan kuwa Yugaandha ee ku sugan degmada Baraawe ayaa Caawa madaafiic dhimasho iyo dhaawac sababay ku garaacay deegaanka Mudul-baraawe oo qiyaastii 15km ujira caasimadda Konfur-galbeed ee Baraawe.

Taliyaha Saldhigga Booliska Degmada Baraawe Cabduqaadir Khaldaan ayaa noo xaqiijiyay in Madaafiicda ay Atmis ku garaacday Mudul-baraawe ay sababtay dhimashada “Lix caruur” oo isku qoys ah iyo dhaawaca qof kale.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidanka Atmis ay heleen xogta ah in xubno katirsan kooxda Shabaab ay isku Abaabulayeen meel aan ka fogeyn deegaanka Mudul-baraawe, taas oo keentay inay Atmis duqeyso halkaas.

Si lamid ah Ciidanka Yugaandha ee katirsan howlgalka Atmis ayaa maanta duqeyn ay dad Rayid ah dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay waxaa ay ka fuliyeen deegaanka Buula-mareer, saacado kooban gudahood ayay ka dhigan tahay in Ciidanka Atmis ay duqeymo isdaba joog ah oo ay Shacab ku wax yeeloobaan ka fuliyeen Gobolka Shabeellaha Hoos.