Ciidanka Boliiska Hirshabeele Oo howlgalo Kasameeyay Jowhar

Ciidamada Booliska Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle ayaa xalay waxaa ay howlgallo dad badan lagu qabqabtay ay ka sameeyeen Xaafado ka tirsan Magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay sigaar ah uga fuliyeen Xaafadaha Hantiwadaag iyo Horseed ee Magalada jowhar,waxaana dad ku sugan Magalada Jowhar ay Risaala u sheegeen in howlgalkaas lagu qabqabtay dad u badan Dhalinyarok,kuwaas oo la geeyay Saldhiga Magalada Jowhar.

Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle ayaa lagu arkayay wadooyinka dhexmara Xaafadaha Hantiwadaag iyo Horseed ee Magalada jowhar, iyaga oo mararka qaar dadka baaritaano ku sameynayay kuwa qaarkood ay ka shakiyaana ay geynayeen Saldhiga Magalada Jowhar.

Saraakiisha Ciidamada Booliska Hir-Shabeelle & Maamulka Magalada Jowhar weli kama hadlin howlgalkaas ay Ciidamadu xalay ka sameeyeen Gudaha Magalada,hayeeshee qaar ka mid ah dadka howlgalka lagu qabtay ayaa xaqiijiyay in baaris kadib la soo daayay.

Howlgalkan lagu xaqiijinaayo amniga Caasimada Hir-Shabeelle ee jowhar ayaa imanaya, iyaddo habeen  ka hor jowhar lagu dhaawacay qoragiina looga qaatay  Askari ilaalo u ahaa mid ka mid ah Xubnaha Wasiirada Hir-Shabeelle sidoo kalena bambo gacmeed lagu tuuray Saldhiga Boliiska Xaafada horseed ee Magalada jowhar.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay naga soo gaaraya Magalada Jowhar ayaa waxaa ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid edgan,isla markaana isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee Magalada ay Maanta si caadi ah u socdaan.