Ciidanka Boliiska Somaliya oo kala ceyriyay dad banaan baxayay

Dadkan ayaa banaanbax ay uga sooo horjeedeen madaxweyne maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa ay ka dhigayeen qeybo kamid ah wadada Maka-Almukarama.

Dadka ayaa waxaa ay wateen Boorar ay ku qoran yihiin Maadxweyne Farmaajo (Maya) doorasho xor iyo xalaal ah ayaan rabnaa iny dhacdo iyo erayo kale.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomalaiya ayaa tegay halka uu banaanabxa ka socday, iyaga oo rasaas ku kala eryay balse taasi aan wax khasaaro ah u geysan dadka banaanbaxayaasha ah.

Wararka kale ee la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada booliska Soomaalia ay xireen qaar kamid ah dadka banaanbaxa dhigayay oo u badnaa Dhalinyaro iyo haween.

Banaanbaxaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay kulan Muqdisho ay ku yeesheen Midowga Musharixiinta uu ka sheegay Maaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan sheikh Maxamuud inay dhacayaan banaanbaxyo Nabadeed.