War kasoo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay rag burcad ah oo dhac u gaystay dad rayid ah.
Saaka Taariikhda 13-05-2024 abaaro 07:30 Am Ayaa Waxaa Muwaadiniin Soomaaliyeed Lagaga Dhacay Telefoonada Gacanta Degmada Heliwaa .
Dhibanayaashii Waxay Degdeg Ula Xiriireen Xarunta Gurmadka Degdega ayagoo toos u wacay nambarka Gaaban 991 Kuna war geliyey In La dhacay. Xarunta Gurmadka ayaa Sitoos ah u Howl gelisay Ciidanka Boliiska ee u dhawaa goobta dhaca laga Geystey
Waxaan Si degdeg ah ugu Gurmaday Saldhigga Boliiska Heliwaa Kaas oo Raad Raac kadib Gacanta Ku soo Dhigey Toogadii iyo Mooto Bajaaj ay Wadteen
Waxaana lagu haayaa Saldhigga Heliwaa baaris ayaa socota waxaan la horgeydoonaa maxkamada ay Quseyso