Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo Gacanta Kusoo Dhigay 10 Eedeysane oo Loo Heysto falal dambiyeedyo Kala Duwan.
Ciidanka Booliiska Gobolka Banaadir oo kaashanaya hay’adaha amniga ayaa gacanta kusoo dhigay 10 eedeysane oo lagu eedeeyay dil, dhaawac iyo dhac dadweyne oo ka dhacay qaar ka mid ah degmooyin ka tirsan Caasimadda Muqdisho.
War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Qeybta Guud ee Booliiska Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in baaris lagu wado eedeysanayaasha, waxaana markii ay baaristu dhamaato loo gudbin doonaa hay’adaha cadaaladda si loo waafajiyo xukunka sharciga.
Halkaan hoose ka eeg Sawirada eedeysanayaasha:-