Ciidanka Booliska Maamulkja Jubbaland ayaa soo bandhigay waxyaabaha maanka dooriya oo ay ka soo qabteen xaafada shaqaalaha ee magaalada Kismaayo ka dib markii ay howl galo sameeyeen.
Taliye-kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Gaanshaanle sare Xuseen Cali Xaashi ayaa ka warbixiyey maandooriyahan faraha badan oo ay ciidamadu howlgalka kusoo qabteen.
Gaanshaanle sare Xuseen Cali Xaashi ayaa carabaabay in Khamri gaaraya 69 dhalo iyo Xashiish ku dhawaad gaaraya 4KM lagu soo qabtay howlgalka Ciidanka Booliiska
“Ciidamadeenu waxa ay hayeen xogta iyo dhaqdhaqaaqa dadkaan waday maandooriyaha khamriga iyo xashiishada ayaan ku guulaysanay in gacanta ay ku dhigno” ayuuyiri taliyahu asga oo sii hadlayey.
Dhanka kale Ciidanka Booliska ayaa Xabsiga u tixaabay nin iyo haweeney lagu eedeeyey iney ka ganacsanayeen maandooriyahan.
Taliye-kuxigeenka Ciidanka Booliska Jubbaland Gaanshaanle sare Xuseen Cali Xaashi ayaa uga digay dadka ku howlan ka ganacsiga waxyaabahaan maanka dooriya in ay ganacsi ka dhigtaan, cidii lagu qabto ayuu taliyuhu sheegay in maxkamad lala tiigsan doono..
