Ciidanka Booliska Soomaaliya oo maanta lagu wareejiyay Qalab Ciidan

Taliska Ciidanka Booliska Dawladda Ingiriiska, ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed waxay soo gaarsiiyeen Qalab Ciidan oo ka kooban, Jaakadaha Xabadda Celiya, Katiinadaha  dambiileyaasha lagu xiro, iyo Dharka dhaxanta laga xirto.

Qalabkan ayaa waxaa Dowladda Ingiriiska ka guddoomay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko.

Dr. Cabdi Aakhiro, Guddoomiyaha Somali Support Association oo ah Hey’adda  Booliska Ingiriiska ay u wakiisheen in qalabkaasi la gaarsiiyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, ayaa S/guuto Bashiir warbixin ka siiyey qalabkaasi iyo noocyada  kala duwan ee uu ka kooban yahay.

Guddoomiyaha Hey’adda Somali Support Association  Dr Cabdi Aakhiro, ayaa sheegay in Deeqda qalabkaan ay ka timid Ciidanka Booliska UK, islamarkaana Hay’addiisa  loo soo wakiishay inuu gaarsiiyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isaggoo tilmaamay in wax badan ay ka badali doonaan qalabkaan habka shaqo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.