Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo Gacanta ku Dhigay Eedaysane Fal Amni-darro ka Geystay Degmada Dharkenley.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ka howlgala Saldhiga Booliska Degmada Dharkenley, kuwaas oo gacanta ku dhigay eedaysane D/le Xusen Idow Cabdu Laahi.

Eedaysanahan ayaa lagu soo qabtay fal khal-khal gelin amni ah oo uu ka sameeyay gudaha degmada, kaas oo si cad u khatar gelinayay nabadgelyada iyo badbaadada dadka shacabka ah. Sida ay ii xaqiijiyeen ilo ka tirsan Booliska, eedaysane D/le Xusen Idow Cabdu Laahi ayaa xabado ku furay goob ay ku sugnaayeen dad shacab ah, arrintaas oo abuurtay cabsi iyo qalqal amni oo degdeg ah.

Ciidanka Booliska ayaa si dhakhso leh uga jawaabay dhacdadan, iyagoo qaaday tallaabo degdeg ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka, kuna guuleystay inay eedaysanaha si nabad ah gacanta ugu dhigaan, isla markaana ay ka hortagaan in khasaare nafeed ama mid hantiyeed uu ka dhasho falkaasi.

Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in eedaysanaha hadda uu ku jiro gacan hayn sharci ah, isla markaana uu marayo baaritaan dhameystiran, si loo ogaado sababaha ka dambeeya falka uu ku kacay iyo haddii uu jiro xiriir kale oo amni-darro ah. Marka baaritaanka la soo gabagabeeyo, waxaa la filayaa in maxkamad la horgeeyo, si sharciga loogu qaado tallaabada ku habboon.

Dhanka kale, Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay ballanqaadkooda ku aaddan sugidda ammaanka guud, ilaalinta nolosha iyo hantida shacabka, iyo la dagaallanka cid kasta oo isku dayda inay wax u dhinto xasiloonida iyo nabadda bulshada.

Sidoo kale, Booliska ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan Degmada Dharkenley iyo guud ahaan caasimadda inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta falal amni-darro ama dhaqdhaqaaqyo shaki leh, si looga hortago khataro hor leh.

Ugu dambeyn, dhacdadan ayaa mar kale muujineysa feejignaanta iyo dadaalka joogtada ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kuwaas oo si hagar la’aan ah ugu taagan ilaalinta nabadda, xasiloonida iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.