Ciidanka DANAB & Daraawiishta DG Jubbaland oo sameeyay howlgal sababay Dhimasho & Dhaawac

Ciidamada Kumaandooska gaarka u tababaran ee DANAB oo kaashanaya Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa saakay waqti hore howlgal culus ka fuliyay Deegaanka Kaamjaroon ee Gobolka Jubada Hoose.

Qoraal kooban oo ay soosaartay Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in howlgalkaas lagu dilay xubno katirsan ‘AS’ kuwaas oo ku sugnaa Deegaankaan, ‘In ka badan 100 xubnood oo katirsan ‘AS’ ayay sheegeen saraakiishu in howlgalkaan lagu dilay.

Ciidamadaan Iskaashanaya ayaa saacadihii lasoo dhaafay dhaq-dhaqaaq Ciidan ka waday deegaanno hoostaga Kaamjaroon waxaana lasoo warinayaa in meelaha qaar ay ka dhaceen isku dhacyo dhexmaray Ciidankaan iyo ‘AS’.

Kumaandooska DANAB & Daraawiishta Dowlad-Goboleedka Jubbaland ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa ay kordhiyeen howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee ka socda Gobolka Jubada Hoose kuwaas oo guullo muhiim ah ka sheegteen Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.