Ciidanka danab Oo howlgalo Kafuliyay G\Shabeelaha hoose+

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa Mareykan ah ayaa Howlgal qorsheysan waxa ay ka fuliyeen degaanka Sablaale oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada Qalabka Sida ayaa Sheegay in Ciidamada kumaandooska ay gudaha u galeen saldhigii Al-Shabaab ee degaanka Sablaale ee gobolka shabellaha Hoose,isla markaana ay ku dileen ugu yaraan 18 dagaalyahan.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa waxaa ay hadalkooda intaasi ku dareen in howlgalkaas sidoo kale lagu dilay Sarkaal lagu Magacaabo Maxamed Dhuuboow oo ka mid ahaa Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo dowladda Kenya ay madaxiisa dul-dhigtay laba Milyan oo Dollar sida ay hadalka u dhigeen.

Si kastaba warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada kumaandoosta Soomaaliya ee ku aadan inay howlgal ku dileen saraakiil iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ayaa weli dhankooda aysan ka hadlin Al-Shabaab.