Ciidanka danab Oo howlgalo Miino baaris ah Sameeyay

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal miino baaris ah ka sameeyeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ka dhaceen dhowr jeer qaraxyo miino.

Saraakiisha Ciidamada ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka ay sigaar ah uga fuliyeen degaannada lambar Konton iyo lambar lixdan iyo degaanka Buufoow Bacaad oo ku dhow Magaalada Marka, isla markaana ay qarxiyeen miinooyin ay wadada ku Aaseen Al-Shabaab.

Saraakiisha ma sheegin dad la tuhmayo oo ay kusoo qabteen howlgalkaas,hayeeshee waxaa ay sheegeen in uu sii socon doono ilaa iyo inta ay ka xaqiijinayaan Amniga degaannada iyo degmooyinka Shabeellaha Hoose.

Bilihii la soo dhaafay Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ayaa waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadeen degaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose,iyaga oo la wareegay degaannada, Jilib Marka Dhanaane iyo Gandarshe oo dhamaantood hoostaga Magaalada Marka.