Ciidamada Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee DANAB ayaa howl-gal qorsheysan ka sameeyeen deegaanka Gendershe ee gobolka shabeellaha hoose, halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay bur burireen goobo ay Al-Shabaab ku farsameynayeen waxyaabaha qarxo.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in howl-galkaasi inta ay ku jireen gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ee ku guda jiray diyaarinta waxyaabaha qarxa si ay weeraro uga fuliyaan Magaalada Muqdisho
.”Kumaandooska Danab oo howlgal qorsheysan ka sameeyey deegaanka Gendarshe ee gobolka shabeelaha Hoose ayaa waxay ku bur-buriyeen goobo Qaraxyo lagu farsameynayey, iyagoo gacanta ku dhigay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo halkaasi ku sugnaa ayuu yiri” Sarkaal ka tirsan Ciidanka DANAB.
Degaanka Gabdarshe ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ku yaalla wadada dhinaca Xeebta ee u dhaxeysa Magaalooyinka Muqdisho iyo Marka ayaa waxaa uu kamid yahay degaannada ay inta badan Ciidamada Dowladda tagaan kana soo laabtaan.