Ciidanka Dowlada Oo deegaano horleh kala wareegay Alshabaab

Ciidanka Kumaandooska Danab ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa la sheegay in howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ay kula wareegeen degaano ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada ay la wareegeen degaannada kala ah, Janaay Cabdale, Helishiid, Mayonde iyo Garasceebe, halkaas oo ay sheegeen inay ku xooganaayeen Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 16-aad kumaandooska xds ee danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in howl;gallada ay yihiin kuwa sii socda,isla markaana aysan joogsan doonin ilaa iyo inta Al-Shabaab ay ka saarayaan degaannada Jubbooyinka.

25-kii Bishaan ayaa Ciidamada Kumaandoosta ee DANAB waxaa ay howlgallo ka fuliyeen degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose,waxaana saraakiisha horkaceysay howlgalka ay sheegeen inay la wareegeen Shan tuulo oo ay maamulayeen Al-Shabaab.