Ciidanka Dowlada Oo gacanta ku dhigay koox burcad ah

Ciidanka ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay waxa ay hawlgal ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho ,waxaa ay gacanta kusoo dhigeen Koox burcad ah.

Halwgal si gaar ah looga sameeyay xaafado ka mid ah degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu soo qabtay koox burcad ah oo dhac ku geysan jiray Bastoolado.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Dharkeenley ayaa warbaahinta u sheegay in uu arkay ciidanka oo wada 5 qof oo Labo ka mid ah yihiin kuwo hubeysan.

Raggan la qabtay ayaa la sheegay in dhac ay ka geysan jireen degmada Dharkeenley, balse weli sharaakiisha Booliiska ee howlgalkaan sameeyey wax faah faahin ah ma aanay bixin.

Ciidanka ammaanka ayaa maalmahan dambe kordhiyay hawlaha ay ku xaqiijinayaan ammaanka, iyada oo shalay degmada Warta Nabadda lagu qabtay rag hubeysan oo dhac u geysanayay shacabka ku nool degmadaasi.