Ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee miina baarista ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo miina baaris ah ka fuliyeen inta u dhaxeysa deegaannada lambar 50 iyo lambar 60 ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in wadada u dhaxeysa lambar 50 iyo lambar 60 day kasoo saareen miinooyin farabadan kuwo kalena ay qarxiyay, iyada oo aysan cid wax ku noqon.
Sidoo kale waxaa ay saraakiisha u sheegeen Idaacadda Codka Ciidamada Qalabka sida in miinooyinkaas ay dhulka ku Aaseen Xubno ka tirsan Al-Shabaab si dadka loogu dhibaateeyo.
Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay weli howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadaan deegaano iyo degmooyin ka tirsan Al-Shabaab,waxaana saraakiisha Ciidamada ay sheegeen in howlgallada ay sii socon doonaan.