Ciidanka Dowlada Oo howlgalo ka fuliyay G/shabellaha hoose

Ciidanka kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee xoogga dalka ayaa hawlgal qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

Hawlgalka ayaa saraakiisha hoggaamineysay waxaa ay sheegeen inay ku burburiyeen Xarun Maxkamad oo ay lahaayeen Al-Shabaab oo ku taallay Tuulada Basra ee degmada Balcad sidoo kalena ay dileen Sarkaalkii Al-Shabaab ugu magacaawnaa Tuuladaas.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka  s/guuto Odawaa Yuusuf Raage, ayaa Idaacadda codka ciidamada qalabka Sida u sheegay in ujeedka hawlgalka uu yahay bur-burinta goobaha ay Al-Shabaab lacagaha uga qaadaan Shacabka , isaggoo xusay in ciidanka ay  la wareegeen Goobo badan oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Jenaraal Odawaa ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidanka xoogga ay u diyaarsan yihiin siddii dalka oo dhan looga saari lahaa Al-Shabaab, in kastoo inta badan Saraakiisha Ciidamada ay sheegaan hadalladaas balse aan wax natiijo ah laga gaarin.

Maalmo ka hor ayaa Ciidamada Dowladda waxaa ay dagaal kula waregeen degaannada Basra iyo Daniga-Baalow oo ka tirsan degmada Balcad, kuna yaalla wadada xiriirisa degmooyinka Balcad & Afgooye, halkaas oo muddo sanado ah ku sugnaayeen Al-Shabaab.