Ciidanka Dowlada Oo howlgalo Kawada Hobyo

Ciidamada Amniga Soomaaliya ayaa howlgal ballaaran kawada Degmada Hobyo ee gobolka Mudug oo uu maalmahanba joogay Madaxweynaha Galmudug Axme Cabdi Kaariye (QoorQoor).

Ciidamadan oo isugu jira Xoogga Dalka Qaybta 21-aad , Kuwa Booliiska gaarka ah ee Haramcad oo ay wehliyaan Ciidmaada Booliiska Hobyo ayaa wada howlgalkan oo lagu baarayo Gaadiidka Dadwaynaha , Guriyaha laga shakiyo iyo goobo bartilmaameed u ah howlgalkan , Saraakiisha Amniga ayaa sheegaya in ay jiraan tuhuno amni oo muujinaya Qorshayaal Al-Shabaab Ku doonayaan Fulinta weeraro qaraxyo ah oo ay ka fuliyaan Galmudug.

Howlgalkan ayaa kusoo beegmaya Xili Ciidamada Qaybta 21-aad ay Aroornimadii saakay la sheegay inay ka hortageen weeraro ismiidaamin ah oo lagu qaadey Xerada Bacaadweyne oo ka tirsan Degmada Hobyo , sidoo kalena ciidamadu Howlgal qorsheysan oo Gaalkacyo ka dhacey ku qabteen Gaari waxyaabaha qarxa lagu soo rarey iyo shaqsigii wadaha ka ahaa.