Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay weli tuulooyin hoostaga degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ka wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan maleeshiyaad hubeysan oo hooyo & laba Carruur ah oo ay dhashay dhawaan ku dilay duleedka degmadaas.
Ciidamada qeybta 27aad ee Millateriga Soomaaliya ayaa waxaa ay howlgallada ka wadaan Tuulada Xaluule oo ah halka uu dilka ka dhacay iyo tuulooyin ku dhow dhow, waxaana jirtay in shalay ay gacanta ku dhigeen Ciidamada 5 ruux oo lagu tuhmaayo dilkaas.
Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 27aad ayaa waxaa ay sheegeen in aysan dagaalka joojin doonin ilaa iyo inta gacanta loogu soo dhigayo dadkii ka dambeeyay dilka arxan darrada ah ee loo geystay hooyo & laba Carruur ah oo ay dhashay.